
Heshiis wada shaqeyn Accord University iyo Xiddig Organisation
Waxaan aad ugu faraxsanahy in uu heshiis wada shaqeyn ah ku dhexmaray Accord University iyo Xiddig Organisation magaalada Hilversum ee wadanka Netherlands.
Heshiiskaasi oo ah in ay kawada shaqeeyaan labada dhinac in uu qof walba soomaaliyeed heli karo waxbarashada Heerka bachelorka iyo Master degree hab E-learning oo ah Deeq waxbarasho lacag la’aan ah (Scholarship) si’ loo xoojiyo aqoonta iyo kobaca dhalinyarada soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha iyo Dalka.

Xiddig Academy Waxaa ay u taagantahay, kobcinta Aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ayna ku howlantay heshiisyo kale oo Caalami ah Muhiimna u ah Dhalinyarada, si loo helo jiil Aqoonyahano ah oo ka qeyb qaato Badbaadinta ummada Soomaaliyeed iyo dib u dhiska Dalka.





