
HONORABLE CERTIFICATE FROM THE SOMALIA GOVERMENT
Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka iyo Xubnaha Ururka Xidig, Waxaan mahadcelin ballaaran halkan ugu Soo gudbinayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha, iyo masuuliyiinteeda oo ay hormuud u tahay, Marwo Khadiija Mohamed Diiriye, guddoonsiinta shahaada sharafkan Ururka Xidig munaasabadda dabaaldegga sannadguuradii asaaskii ururkii halgankii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo ku aadanayd 15ka bisha May 2020. Ururka XIDIG, sharaf weyn ayay u tahay in la guddoonsiiyey abaalmarintaas qiimaha badan iyo maalintaas qiimaha badan.